๐—™๐—ฎ๐˜๐˜„๐—ฎ๐—ฑ๐—ถ๐—ถ ๐—ฆ๐—ต๐—ฒ๐—ฒ๐—ธ๐—ต ๐—œ๐—ฏ๐—ป๐˜‚ ๐—•๐—ฎ๐—ฎ๐˜‡ ๐—ฒ๐—ฒ ๐—›๐—ฒ๐˜€๐—ต๐—ถ๐—ถ๐˜€๐—ธ๐—ฎ ๐—Ÿ๐—ฎ๐—น๐—ฎ ๐—ด๐—ฎ๐—น๐—ผ ๐—œ๐˜€๐—ฟ๐—ฎ๐—ฎโ€™๐—ถ๐—ถ๐—น.

Shiikhii caanka ahaa ee Islaamka, Shiikh Cabdulcasiis Ibn Baaz (Alle ha u naxariistee), ayaa sanadkii 1995 soo saaray fatwo si weyn u faah-faahisay xukunka shareecada ee heshiisyada iyo la macaamilka lala galo Yuhuudda iyo Israel, taas oo lagu daabacay Wargeyska Al-Muslimoon.

Fatwadan, oo cinwaankeedu ahaa โ€œ๐—ซ๐˜‚๐—ธ๐˜‚๐—ป๐—ธ๐—ฎ ๐˜€๐—ต๐—ฎ๐—ฟ๐—ฒ๐—ฒ๐—ฐ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ ๐—ต๐—ฒ๐˜€๐—ต๐—ถ๐—ถ๐˜€๐—ธ๐—ฎ ๐—น๐—ฎ๐—น๐—ฎ ๐—ด๐—ฎ๐—น๐—ผ ๐—ฌ๐˜‚๐—ต๐˜‚๐˜‚๐—ฑ๐—ฑ๐—ฎ ๐—ถ๐˜†๐—ผ ๐—œ๐˜€๐—ฟ๐—ฎ๐—ฒ๐—นlโ€, ayuu si cad ugu sheegtay in dal kasta oo Muslim ah uu xaq u leeyahay inuu qiimeeyo maslaxaddiisa, isla markaana haddii ay dan u tahay Muslimiinta ku nool dalkaas, la oggol yahay in heshiis lala galo Yuhuudda, sida is-dhaafsiga safiirrada, ganacsiga, iyo macaamillo kale oo aan shareecada Islaamka ka hor imanayn.

Shiikh Ibn Baaz wuxuu si gaar ah u caddeeyay in heshiis ama sulux lala galo Yuhuudda uusan macnaheedu ahayn jeclaysi, saaxiibtinimo ama muwalaad diineed, balse uu yahay arrin ku salaysan ammaan, ka-hortagga dhibaato, iyo ilaalinta danaha Muslimiinta.

Sheekhu wuxuu si cad u bayaamiyey in dawlad kasta oo Muslim ah ay xaq u leedahay inay eegto maslaxadda shacabkeeda iyo dalkeeda.

Wuxuu tusaale u soo qaatay Nabiga Muxammad (NNKH) oo heshiisyo la galay Yuhuudda Madiina iyo dadkii Maka, iyadoo heshiisyadaasi aanay marna keenin jeclaysi ama ka-noqosho caqiidada Islaamka.

Fatwada sheekhu sidoo kale waxay beenisay fahamka sheegaya in heshiisyadu ka dhigan yihiin in la aqoonsado qabsashada joogtada ah ee dhulka Falastiin. Shiikh Ibn Baaz wuxuu cadeeyay in sulux kasta oo dhaca uu yahay ku-meel-gaadh, isla markaana marka awood la helo, xaqa Muslimiinta ee dhulkooda uusan lumin.

Dhinaca kale, Shiikhu wuxuu hoosta ka xarriiqay in dal walba ay tahay in loo daayo inuu qiimeeyo halka ay maslaxaddiisu ku jirto, halkii lagu qasbi lahaa mowqif midaysan oo aan waaqica la jaanqaadayn. Goโ€™aankaasna uu ku xidhan yahay hoggaanka dalka iyo masโ€™uuliyadda ka saaran ilaalinta danaha ummadda.

Gebogabadii, fatwada Shiikh Ibn Baaz waxay fariin cad u dirtay ummadda Muslimka ah: Islaamku waa diin ku dhisan xikmad, maslaxad iyo waaqic la fahmay, mana reebayso heshiis iyo macaamil, balse waxay si adag u kala soocaysaa sulux siyaasadeed iyo isku milan diineed.