𝗦𝗔𝗔𝗠𝗔𝗬𝗡𝗧𝗔 𝗦𝗜𝗬𝗔𝗔𝗦𝗔𝗗𝗘𝗘𝗗 𝗘𝗘 𝗘𝗥𝗜𝗖 𝗧𝗥𝗨𝗠𝗣: 𝗠𝗔 𝗔𝗛𝗔 𝗢𝗢 𝗞𝗔𝗟𝗜𝗬𝗔 𝗚𝗔𝗡𝗔𝗖𝗦𝗔𝗗𝗘, 𝗘𝗘 𝗪𝗔𝗔 𝗙𝗨𝗥𝗔𝗛𝗔 𝗔𝗤𝗔𝗟𝗞𝗔 𝗖𝗔𝗗

Eric Trump ma aha oo kaliya ganacsade ee waa marinka ugu kalsoonida badan ee loo maro Donald Trump. Saamaynta uu ku leeyahay aabihii waxay salka ku haysaa kalsoonida buuxda ee uu ku qabo inankiida taas oo ka dhigaysa in taladiisu ay miisaan weyn ku leeyahay go’aanada kama dambaysta ah.

Marka ay timaaddo aqoonsiga Somaliland, Eric wuxuu noqon karaa Albaabka Aqalka Cad, isaga oo suuragelin kara in doodda Somaliland ay gaadho miiska madaxweynaha iyada oo aan soo marin hab-raacyada dhaadheer ee wasaaradda arrimaha dibadda Maraykanka, kuwaas oo inta badan ah kuwo ku dheggan nidaamkii hore.

Maadaama maamulka Trump uu nebcayso nidaamyada diblomaasiyadeed ee gaabiska ah, una janjeedho xidhiidhada ku dhisan danaha ganacsi iyo istiraatiijiyad dhab ah, Eric wuxuu Somaliland ka caawin karaa in loo arko saaxiib muhiim ah oo ku yaalla marinka badda ee caalamka.

Haddii uu Eric ku qanco muhiimadda Somaliland, waxay ka dhigan tahay in Somaliland ay heshay qofka kaliya ee awooda inuu madaxweyne Trump ku qanciyo go’aan geesinnimo leh oo ah Aqoonsi Toos ah, isaga oo adeegsanaya habka gorgortanka ee ay caanka ku yihiin qoyska Tru